Hoolka Cali Sugule Ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay bandig ku saabsan Eraybixinada Sharciga iyo Tiknoolojiyadda.
Muqdisho Febraayo 14,2024: Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta oo ah hay”ad ku suntan aqoon iyo Cilmibaaris ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socotay hawlo la xariira Cilmibaaris oo ay sameenayaan aqoonyahano iyo xeeldheerayaal dhinaca Afka ah.
Aqoonyahan Maxamed Xasan Daryeel ayaa hoolka Cali Sugule Ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ku qabtay bandhig ku saabsan Eraybixinada Sharciga iyo Tiknoolojiyadda.
waxaana ku sugnaa xeeldheerayaal dhinaca Afka ah oo uu ka mid yahay Prof Cabdalla mansuur, Admiral Faarax qare,Axmed Faarax Cali Idaajaa iyo Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
xeeldheerayaashii goobta ka hadashay dhammaantood waxa ay isla qireen in Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ay heeso shaqa adag loona baahan yahay in loogaga mahadceliyo Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf iyo hawlwadeenada Akademiyada.
Guddoomiye Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in Akademiyada had iyo jeer ay Soo dhaweyneyso qof weliba oo wax kusoo kordhinaayo Akademiyada isagoona tilmaamay in hoolka Cali Sugule qof weliba uu u furan yahay.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta







