ERAYBIXNTA AF SOOMAALIGA EE DHINACA TIKNOOLAJIYADDA.

1697

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka qeyb galay shirka eraybixinta Af Soomaaliga ee dhinaca Tiknoolajiyadda.

Muqdisho Talaado Sebtember 17 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay shirka eraybixinta Af Soomaaliga ee dhinaca Tiknoolajiyadda.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisulwasaare Ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada Gole xeeldheerayaal dhinaca Afka oo ugu horreeyo Aqoonyahan Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa looga hadlayay sidii uu Afka Soomaaligu ula jaanqaadi lahaa isbeddelka tiknoolajiyadda, loona heli lahaa erey bixin ku habboon oo loo adeegsado.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu xilligani u leeyahay dalka in la helo ereyo ku habboon isticmaalka tiknoolajiyadda, si loo ilaaliyo af Soomaaliga, loogana maarmo adeegsiga ereyo laga soo minguuriyey Afaf kale oo qalaad.

DHAMMAAD

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.