Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeybgalay soojeedin ay sameeyeen Guddi-hoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda ee Guddiga Af Soomaaliga.
Muqdisho, Sebtember 14, 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeybgalay soojeedin ay samaynayeen Guddihoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda ee Guddiga Af Soomaaliga.
Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur oo ah Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA iyo dhammaan hawlwadeennada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa goobjoog ahaa.
Guddi-hoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda ayaa soo bandhigay deraasad khusaysa Saamaynta Gumaystuhu Kaga Tagay Af Soomaaliga: Muunad ahaan Af Talyaaniga.
Ugu danbayn Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahadceliyay Guddi-hoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda isaga oo tilmaamay in la sii laba jibbaari doono soojeedinnada ay samaynayaan Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.