GUDDIGA QABANQAABADA MUNAASABADDA XUSKA MAALINTA AFSOOMALIGA

1834

Maanta oo taariikhdu tahay 24/01/2024, Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxa uu kulan ku yeeshay Xarunta Akademiya Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Gudddiga Qabanqaabada oo ka kala socday Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiya Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA, loogana hadlayey udiyaargarowga Xuska Toddobaadka Afka Hooyo, ayaa maanta ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa si weyn loogu falanqeeyey qaabka ugu habboon ee loo qaban karo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ku astaysan 21-ka Febraayo 2024.

Kulanka intuu socday, waxaa warbixinno laga dhageystay guddi hoosaadyada uu guddigan ka kooban yahay. Guddi hoosaad walba waxa uu soo bandhigay qorshihiisa iyo waxa kaga aaddan Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta Ee Akademiyada