Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta AF Guriyada ee Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Muqdisho Sebtember 08 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta AF Guriyada ee Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Ustaad Cabdinuur Cumar Cabdiyow Guddoomiyaha Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta AF Guriyada ayaa sharaxay cashar ku saabsan lahjadajaha iyo Af guriyada oo ay soo diyaariyeen Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta AF Guriyada.
Soo jeedinta ay sameenayeen Guddihoosaadkan ayaa dood adag ka dhaliyay dhammaan hawlwadeenada Akademiyada iyo ka qeybgalayaasha ku sugnaa hoolka Cali Sugulle ee Akademiyada oo ay soo jeedinta ka socotay.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta AF Guriyada isaga oo tilmaamay in la sii laba jibbaari doono soo jeedinada ay sammeenayaan Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.