Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Af Soomaaliga Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Muqdisho Sebtember 07 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Af Soomaaliga ee Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Maxamed Axmed Dirir oo xubin ka ah Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Af Soomaaliga ayaa sharaxay cashar ku saabsan Naxwaha Af Soomaaliga oo ay soo diyaariyeen Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Af Soomaaliga.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay Guddihoosaadka Naxwaha isaga oo tilmaamay in la sii laba jibbaari doono soo jeedinada ay sammeenayaan Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.