GUDDIHOOSAADKA QAAMUUSEYNTA GUDDIGA AF SOOMAALIGA EE AKADEMIYADA.

122

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Qaamuuseynta Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Muqdisho August 31 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Qaamuuseynta Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Prof Maxamed Cumar Dalxa, Prof Ciise Maxamed Siyaad oo iyagu lagu tiriyo xeeldheerayaasha Afka iyo Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa goobta ku sugnaa.

Guddoomiyaha Guddihoosaadka Qaamuuseynta Ustaad Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa. sharaxay Eraybixinno ay soo bandhigeen Guddihoosaadka Qaamuuseynta kuwaas oo dood adag Kaa dhaliyay Dhammaan Xeeldheerayaasha Afka iyo hawlwadeenada Akademiyada, inkasatoo mar kale loo ballamay in la sii wado soo bandhigidda eraybixinnadan.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay Guddihoosaadka Qaamuuseynta isaga oo tilmaamay in la sii laba jibbaari doono soo jeedinada ay sammeenayaan Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.