Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo xaruta Akademiyada ku soo dhaweeyay wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.
Muqdisho 20, Febraayo 2024.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xarunta Akademiyada ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Marwo Nuura Musdaf Mukhtaar oo hawlo shaqo ah u timid xarunta Akademiyada.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa wasiiradda warbixin ka siiyay shaqada ka socota Akademiyada iyo diyaar garowga loogu jiro munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, isaga oo ammaanay booqashada wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada ay ku timid xarunta Akademiyada.
Dhankeeda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Marwo Nuura Musdaf Mukhtaar waxa ay bogaadisay shaqada ka socota xarunta Akademiyada iyada oo ku ammaantay Guddoomiye Ismaaciil shaqada culus ee uu ka wado xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
DHAMMAAD.
Xafiiska warbaahinta Akademiyada







