GUDDOOMIYA AKADEMIYADA OO XAFIISKIISA KU SOO DHAWEEYAY GUDDOMIYAHA JAAMACADDA MUQDISHO IYO MAS’UULIYIIN KALE OO LA SOCOTO

136

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho iyo Mas’uuliyiin kale oo la socotay.

Muqdisho Oktoobar 01 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Ibraahim Maxamed Mursal iyo Mas’uuliyiin Kale oo la socotay.

Guddoomiye ibraahim Maxamed Mursal waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Ustaad Maxamed Cali Cumar Guddoomiye ku xigeeenka Arrimaha Horumarinta Jaamacadda, Aweys Xuseen Cadow

Agaasimaha xiriirka arrimaha Bulshada Jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa warbixin ku saabsan Akademiyada iyo qaabka ay u shaqeyso ka dhageystay Guddoomiye ismaaciil,intaas ka din waxa uu Guddoomiye Ibraahim kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Akademiyada.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Ibraahim Maxamed Mursal ayaa ka wada hadlay arrimaha Cilmibaarista,Hormarinta Dhaqanka, sidii loo hormarin lahaa Af Soomaaliga iyo in ardayda la baro Dhaqankooda.

Guddoomiye ismaaciil ayaa bogaadiyay mas’uuliyiinta Jaamacadda Muqdisho booqashada maanta ay ku yimaadeen xarunta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta isaga oo tilmaamay in Akademiyada ay u furan tahay cud weliba oo ka shaqeyneysan ariimaha Cilmibaarista, Dhaqanka iyo Horumarinta Af Soomaaliga.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.