Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaasha Guddi hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.
Muqdisho Maarso 2, 2024:
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa kulan lagu dardargelinayo shaqada Guddiga Af Soomaaliga la qaatay Guddi hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa tilmaamay in shaqa badan ay u taallo Guddiga Af Soomaaliga, isla markaana la rabo in ay si hufan uga shaqeeyaan hawlaha adag ee horyaalla Guddiga Af Soomaaliga.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in maalmahaan hay’ado dawladeed iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay dalbanayaan in Eraybixinno loo Soo sameeyo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa kula dardaarmay Guddi hoosaadyada in ay dedejiyaan shaqooyinka adag ee laga sugayo Guddiga Af Soomaaliga.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.







