GUDDOOMIYE ISMAACIIL YUUSUF CUSMAAN AYAA XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA HAY’ADDA TIKA EE SOOMAALIYA

2336

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda Tika ee Soomaaliya.

Muqdisho Febraayo 27, 2024.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda Tika ee Soomaaliya Mudane Zafer Esk.

Booqasha madaxa Tika ee Soomaaliya ee uu ku yimid Xarunta Akademiyada ayaa salka ku haysay isbarasho iyo sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd Hay’adda Tika iyo Akademiyada.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca Dhaqanka ee labada dal iyo sidii Turkiga ay qeyb uga noqon lahaayeen hormarada ka socda Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Madaxa Tika ee Soomaaliya Mudane Zafer Esk ayaa dhankiisa ka mahadceliyey Soodhaweynta ballaaran ee loo sameeyey.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa mas’uulka ugu sarreeya Hay’adda Tika ku sharfay inuu mid mid ula wadaago shaqooyinka ka socda Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, waxa uuna ku soo wareejiyey guud ahaan qeybaha ay ka kooban tahay Xarunta Akademiyada, isagoona u mahad celiyey madaxweynaha Turkiga iyo mas’uuliyiinta kale ee Turkiga sida ay u garab istaagaan had iyo jeer walaalahooda soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                                  Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.