GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA OO KA QEYB GALAY XAFLAD SAGOOTIN

1454

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ku sugan dalka Masar ayaa ka qeyb galay xaflad sagootin iyo mahadcelin isugu jirta oo loo sameeyay safiirkii soomaaliya u fadhiyay dalkaasi.

Qaahira 2 June 2024;                                                                                       Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka masar ayaa soo qabanqaabiyay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay safiirkii soomaaliya u fadhiyay dalkaasi sidoo kale ahaa wakiilka joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Munaasabadda mahadcelinta iyo sagootinta waxaa ka qeyb galay wasiiru dawlaha wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka xukuumadda Soomaaliya marwo Muumino Sheekh Cumar, Xildhibaan Cabdullaahi Carab, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan,Prof Maxamed Cumar Dalxa la taliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya dhinaca Baarlamaanada Carabta , Mahad Maxamed Salaad Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Safiirka Dawladda jabuuti u fadhiya dalka masar iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Muddadii uu joogay safaaradda in uu la yimid wax qabad muuqda oo ay isla qireen dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka masar, waxa uuna tilmaamay in danjiraha lagu xasuusan doono sida uu u garab taagnaa Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u soo raadsaday dalka masar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil ayaa u mahadceliyay jaaliyadda dalka masar sida ay u soo agaasimeen xafladdan qiimaha badan isagoo dhinaca kale u mahadceliyay Dawladda masar sida ay u garab istaagaan dawladnimada Soomaliya iyo sida ay xoogga u saaraan Waxbarashada Soomaaliya.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta