GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA OO KULAN LAGU DARDARGELINAYO AKADEMIYADA LA QAATAY HAWLWADEENADA.

86

 

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo kulan lagu dardargelinayo hawlaha Akademiyada la qaatay hawlwadeenada.

Muqdisho 20 Jannaayo 2025;

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlaha Akademiyada la qaatay hawlwadeenada.

Guddoomiye ismaaciil ayaa tilmaamay in xarunta Akademiyada hadda ay ka socoto shaqa adag oo la rabo dhammaan in ay ka qeyb qaataan hawlwadeenada Akademiyada, isaga oo bogaadiyay shaqaalaha sida isku duubnida leh ay uga qeyb qaataan shaqooyinka ka socda Xarunta Akademiyada.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay jiri doonto isla xisaabtan si shaqada ay u noqoto mid wax soosaar leh, waxa uuna hoosta ka xariiqay in qof weliba laga rabo inuu sii laba jibbaaro shaqada uu ka hayo Xarunta Akademiyada.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta