GUDDOOMIYE ISMAACIIL AYAA SHIR MUHIIM AH LA YEESHAY GUDDIGA AFSOOMAALIGA EE AKADEMIYADA

1329

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa shir muhiim ah la yeeshay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Muqdisho 11 December 2024:

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa shir muhiim ah la yeeshay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada isaga oo warbixin ka dhageystay Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.

Intaas kadib iyada oo la dardargalinayo shaqada Guddiga Af Soomaaliga ayaa waxaa isku shaandheyn lagu sameeyay Guddihoosaadyada waxaana lagu soo koobay illaa saddax Guddihoosaad.

Guddoomiye ismaaciil ayaa tilmaamay in sannad cusub la galayo islamarkaana Guddiga Af Soomaaliga ay hortaallo shaqa adag isaga oo carrabka ku adkeeyay in sannadka inagu soo aadan Guddiga looga fadhiyo in ay la yimaadaan waxqabad aad loo mahdiyo.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada