Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga dhaqanka iyo Suugaanta oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hiigsi-Kaal iyo xubno la socday.
Muqdisho Oktoobar 28,2024: Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta mudane ismaaciil Yuusuf cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hiigsi-Kaal iyo xubno la socday.
Guddoomiye ismaaciil iyo Madaxa Hiigsi-Kaal Mudane Maxamed Xasan Daryeel ayaa si aad ah kaga wada hadlay arrimo la xariira horumarinta Af Soomaaliga iyo sidii loo xoojij lahaa wada shaqeynta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta,Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo hay’adda Hiigsi-Kaal.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xeeldheerayaal dhinaca Afka ah oo ay ka mid yihii prof Ciise Maxamed Siyaad, Prof Siraaji, Xildhibaan horay Khaalid Macow iyo Abuukaate Maxamud Qaali Qacamay.
Kulankan ayaa gogol xaar u ah hishiis saddax geesood ah oo dhex mari doona labada Akademiyo iyo hay’adda Hiigsi-Kaal. Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahadceliyay madaxda Hiigsi-Kaal iyo Mas’uuliyiinta kale ee kulanka goobjoog ka ahayd isaga oo tilmaamay in ay laf dhabar u yihiin horumarinta Af Soomaaliga isaga oo carrabka ku adkeeyay in Akademiyada ay diyaar u tahay soo dhaweynta cid weliba oo la qeyb qaadaneysa horumarinta Afkeenna.
DHAMMAAD.
Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.







