GUDDOOMIYE ISMAACIIL OO XAFIISKIISA KU QAABILAY GUDDOOMIYAHA URURKA MACALIMIINTA SOOMAALIYEED

117

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Soomaaliyeed iyo Xubno la socday.

Muqdisho 01 December 2024:                                                                          Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Soomaaliyeed Dr Maxamuud Cumar Aadan (Saxane) iyo xubno la socday.

Labada Guddoomiye ayaa ka wada hadlay sidii loo. Xoojin lahaa tayada macalimiinta dhigta maadada Af Soomaaliga, in la iska kaashado Cilmibaarisyada la sameynayo, iyo in si wada jir ah la isaga kaashado ilaalinta dhaqanka.

Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Soomaaliyeed Dr Maxamuud Cumar Aadan (Saxane) ayaa tilmaamay in Akademiyada ay hawlo muhiim ah ka socoto islamarkaana mudan in lagu ammaano Guddoomiye ismaaciil iyo Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada hawsha baaxadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa dhankiisa ka mahadceliyay booqashada Guddoomiye Dr Saxane ee uu ku yimid Xarunta Akademiyada isaga hoosta ka xariiqay in taasi ay daliil u tahay in albaanka Akademiyada uu cid weliba u furan yahay.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Akademiyada.