GUDDOOMIYE ISMAACIIL YUUSUF CUSMAAN AYAA XAFIISKIISA KU QAABBILAY MAXAMED HALDOOR

2280

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Maxamed Haldoor oo ah qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed oo dhawaan Soo gaaray magaalada Muqdisho.

Muqdisho Maarso 6, 2024.                                                                                Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Qoraa Maxamed Haldoor oo qoray buug la magac baxay Hadhiwaa.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiirregeliyo dhallinyarada hibada u leh in ay wax qoraan si ay maskaxdooda u shiilaan.

Qoraa Maxamed Haldoor oo la socday Agaasimaha bamdhigga buugaagta ee Gobolka Nugaal Maxamed Axmed Dalmar iyo dhallinyaro kale oo bahda Akhriska iyo qoraalka ka tirsan ayaa sheegay in uu dareemayo farxad maaddaama uu soo booqday Xarunta Akademiyada oo ah hay’ad Cilmibaariseed, islamarkaana uu helay soodhaweyn diirran, si gaar ahna uu uga mahadcelinayo Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu tilmaamay in Akademiyadu ay had jeer diyaar u tahay inay garab istaagto dhallinyarada Soomaaliyeed kuwooda jecel in ay wax qoraan si ay maskaxdooda u shiilaan.

DHAMMAAD                                                                                                                Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta