Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Maamulka Jaamacadda Soomaaliya ee uu horkacayay Guddoomiyaha Jaamacadda (UNISO) Dr.Axmed Khadar Cabdi
Muqdisho Maarso 3, 2024.
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ah hay’ad ku suntan aqoon iyo Cilmibaaris ayaa muddooyinkii dambe waxa ay ku hawlaneyd sidii xarunta Akademiyada ay u noqon lahayd mid ay ku soo hirtaan bahda waxbarashada.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga, ayaa kulan la qaatay Maamulka Jaamacadda Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadleen sidii iskaashi wada shaqeyn ah uu ku dhex mari lahaa Akademiyada iyo Jaamacadda Soomaaliya.
Dr.Axmed Khadar Cabdi Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo ku hadlayay magaca Mas’uuliyiinta Jaamacadda ayaa sheegay inay farxad galineyso shaqada ka socota Xarunta Akademiyada, waxa ayna tilmaameen in ay diyaar u yihiin lashaqeynta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in albaabka Akademiyada uu u furan yahay bahda waxbarashada.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta







