GUDDOOMIYE ISMAACIIL YUUSUF CUSMAAN AYAA XAFIISKIISA KU QAABILAY MAS’UULIYIIN KA SOCDAY MAAMULKA JAAMACADDA ZAMZAM

3001

Maamulka Jaamacadda Zamzam oo uu Mudane Xarbi hoggaaminayey iyo qoonyahanno u dhashay Dalka Suudaan ayaa maanta booqosho ku yimid Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Muqdisho Maarso 4,2024:

Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socotay jaamacadda zamzam oo uu horkacayay Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam Dr Maxamuud Xarbi oo ay wehlinayeen aqoonyahanno u dhashay dalka Suudaan.

Guddoomiyaha ayaa warbixiin ka siiyay Mas’uuliyiintan hawlaha Akademiyada ee ku aaddan Afka Soomaaliga, Dhaqanka iyo Cilmibaarista. Wafdigan oo lagu soo wareejiyey Akademiyada qeybaheeda kala duwan ayaa ka mahadceliyey sida diirran ee uu Guddoomiyuhu ugu soo dhaweeyey Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa ugu dambeyn sheegay in Akademiyadu maalmahaan ay waddo dardar-gelin xooggan oo ku aaddan hormarinta Afka iyo Cilmibaarist, iyada oo la soo dhaweynayo cid walba oo qeyb ka noqon karta hormarka iyo hawsha baaxadda leh ee ka socota Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

DHAMMAAD                                                                                                        Xafiiska Warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.