Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu qabtay barnaamij ku saabsan habka ugu habboon ee barbaarinta carruurta.
Muqdisho, Oktoobar 30, 2024 Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta ka qeybgalay barnaamij ku saabsan habka ugu habboon ee barbaarinta carruurta.
Barnaamijkaan waxaa soojeedinayay Mudane Cali Maxamuud Axmed (Boojac) oo ah laashin iyo cilmibaare suugaaneed, isaga oo ku dheeraaday ka sheekaynta barnaamij ku saabsan habka ugu habboon ee barbaarinta carruurta.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahnaa barnaamijka noocaan oo kale in laga faa’iidaysto islamarkaana xarunta Akademiyada lagu soo bandhigi karo cilmibaarisyada iyo barnaamijyada nuucaan oo kale ah.
Inta uu barnaamijku socday waxaa la isweydaarsaday weydiimo iyo doodo qiima badan oo ku saabaan barnaamijkaan uu soojeedinayay Cilmibaare Cali Boojac.
Ugu danbayn, Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu u mahadceliyay oo bogaadiyay laashin Cali Maxamuud Axmed (Boojac) waqtigiisa sida uu ugu huray hawlwadeennada Akademiyada si ay qeyb kaga noqdaan aqoonkororsiga isaga oo tilmaamay in la soo dhowaynayo aqoonyahan walba oo raba in uu u faa’iideeyo ummadda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta