Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan hawlwadeenada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Iyo Ummadda Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan bishaan. isagoonaa alle ka baryay in sannadkaan sannadkiisa alle inagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.
RAMADAAN KARIIM. Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.