ISXILQAANKA HAWLAHA NADAAFADA EE AKADEEMIYADA

139

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo hawlwadeennada Akademiyada oo hawlo nadaafadeed maanta ka sameeyay xarunta Akademiyada.

Muqdisho 05 November 2024;                                                                    Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman iyo hawlwadeennada Akademiyada ayaa maanta waxa ay hawlo nadaafadeed ka sameeyeen xarunta Akademiyada.

“Dhammaan hawlwadeennada waxaad maanta muujiseen isku duubni ma aqaan waxaan idin kugu mahadceliyo runtii shaqa fiican ayaad qabateen” sidaasna waxaa yiri Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf. Xarunta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maalmahaan waxa ka muuqda hormaro la taaban karo iyo isbadallo dhanka shaqada ah oo dhammaan hawlwadeennada Akademiyada ay u istaageen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada mudane ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa kula dardaarmay dhammaan hawlwadeennada In ay sii laba jibbaaraan dadaaladooda ku aaddan hormarka hadda ka socda Xarunta Akademiyada.

DHAMMAAD.                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.