JAAMACADDA UMMADDA SOOMALIYEED

131

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay macalimiin maadada Afka Soomaaliga ka dhigi doona Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed.

Muqdisho Oktoobar 03 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameynayay macalimiin ku guuleystay in ay maadada Af Soomaaliga ka dhigaan Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed.

Jaamacadda Ummadda iyadoo dardargalineysa horumarinta Af Soomaaliga ayaa waxa ay qabatay imtixaan lagu kala saarayo macalimiinta doonayay in maadada Af Soomaaliga ka dhigaan Jaamacadda Ummadda.

Kulanka soo dhaweynta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Gacal iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Jaamacadda Ummadda.

Dr gacal ayaa hadal kooban ka jeediyay kulankaas isaga oo tilmaamay in Af Soomaaliga oo si cilmiyeysan loo dhigo ay ardayda ku dhiirregelineyso in Afkooda ay ilaashadaan.

Shan kamid ah macalimiinta soo baxaday waxa ay ka tirsan yihiin Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta hal qof ayaa isna ka tirsanaa Akademye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa aad u bogaadiyay macalimiintaan oo nasiib u yeeshay inay wax ka dhigaan Jaamacadda Ummadda, isaga oo kula dardaarmay in ay si hagar la’aan ah ay ardaydaasi waxbarashadooda ay kaalin weyn ka qaataan.

DHAMMAAD                                                                                                            Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.