KA QAYB GAL MUDAAHARAADKA LAGAGA SOO HORJEEDO ISKU DAYGA GURRACAN EE ITOOBIYA

3136

Muqdisho. 11-01-2024. Shaqaalaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka qeyb galaya maanta Dibad bax looga Soo horjeedo damaca Ethiopia ee baddeena Soomaaliya kadib heshiis beenaadkii ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Dawladda Ethiopia.

Dhammaan madaxda iyo hawlwadeenada Akademiyada ayaa muujiyay dareenkooda ku Aadan sida ay uga xun yihiin damaca gurracan ee Ethiopia.