KA QEYB GAL SHIR MUHIIM AH

94

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Mas’uuliyiin kale oo dalka Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir muhiim ah.

Riyaadh May 06 -08 2024;                                                                            Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Matxafka Qaranka iyo Agaasimaha Maktabadda ayaa dalka Sacuudi carabiya uga qeyb galay shir looga hadlayo xoojinta Dhaqanka. Wafdigan ayaa maanta waxa ay tageen xarunta Caalamiga ah ee Afka Carabiga ee Boqor Salmaan. waxaana soo dhaweyn u sameeyay madaxda xaruntaasi.

Waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa Cilmibaarista lagu qoro Afka Carabiga sidoo kale la bilaabo tababaro la siinayo Macalimiinta Afka Carabiga dhiga iyo in sare loo qaado xoojinta Dhaqanka Dawladda Sacuudi Carabiyana ay muujiso doorkeeda kaga aaddan arrimahaan.

Intaasi ka dib wafdiga ayaa booqasho ku tagay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi carabiya waxaana halkaasi ku soo dhaaweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi iyo Diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Waxa ayna ka wada hadleen sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ka jira dalka Sacuudi carabiya si gaar ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi looga faa’ideyn lahaa.

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo xubnaha wafdigan ayaa waxa ay u mahad celiyeen Mas’uuliyiinta xarunta Caalamiga ah ee Afka Carabiga ee Boqor Salmaan iyo Madaxda safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen isagoona xusay in inta ay joogaan dalka Sacuudi carabiya wax badan la kala fa’ideysan doono.

Mas’uuliyiintaan ayaa warbixin ka dhageystay madaxda xarunta Matxafka Qaranka dalka Sacuudi Carabiya oo ah Gabdho qoonyahanno ah waxaana hoggaamineesa Marwo Rola Abdullahi Al Gariiri iyadoona ka warbixisay shaqooyinka ay qabtaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in xaruntooda ay ku soo dhaweeyaan Mas’uuliyiin ka socotay Dawladda Soomaaliya.

Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa guddoonsiiyay Marwo Rola Abdullahi Algariir mid ka mid ah alaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka oo Soomaaliya ay caan ku tahay.

Agaasimaha Matxafka qaranka Mudane Cismaan Geedoow ayaa sheegay in xilligan ay u baahan yihiin in Dawladda Sacuudi Carabiya ay kaalin muuqato ka qaadato sidii Matxafka Qaranka uu u noqon lahaa Matxaf ay ku soo hirtaan bulshooyinka ku nool Dunida Caalamka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla lafa guray sidii labada dhinac ay uga wada shaqeyn lahaayeen in labada Matxaf ay noqdaan kuwa si dhow isula shaqeeya.

DHAMMAAD                                                                                                          Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha                                                        Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta