KA QEYB GALKA SHIR LOOGA HADLAAYO ARRIMO LA XIRIIRA DHAQANKA

980

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo dalka Taliyaaniga Kaga qeyb galay shir looga hadlayo arrimo la xiriira Dhaqanka.

Muqdisho April 15 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye Ismaaciil Magaalada Trieste ee dalka Taliyaaniga Kaga qeyb galaya shir looga hadlayo arrimo la xiriira Dhaqanka oo u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Taliyaaniga.

Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Guddoomiyaha Akademiyada inta uu ku sugan yahay dalka Taliyaaniga waxa uu kulamo la qaadan doonaa madax ka socota dalka Taliyaaniga si uu ugala hadlo sidii loo hormarin lahaa shaqooyinka ka socda Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

DHAMMAAD                                                                                                              Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.