KAALINTA GABAYGA SOOMAALIYEED EE KU AADAN DIB-U-HESHIISIINTA

1719

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/08/2023 waxaa golaha Cali Sugulle ee xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu qabtay doodcilmiyeed ku saabsan kaalinta gabayga soomaaliyeed ee ku aadan dib-u-heshiisiinta. (the role of Somali poetry in reconciliation) waxaana si wadajir ah iskaga kaashaday Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo hay`ada Talo Wadaag ee machadka Heritage, waxaana ka soo qeyb galay waaxyaha kala duwan ee Akadeemiyada leedahay iyo xubno kale oo lagu casuumay doodcilmiyeedka.

Ugu horeyn waxaa madasha doodcilmiyeedka furay gudoomiyaha Akadeemiyada Mudane: Cabdulkadir Nuur Xuseen (Maax) waxa uuna hoosta ka xariiqay muhiimada gabayga u leeyahay bulshada soomaalieed maadaama dadka soomaaliyeed lagu sheego in ay yihiin bulsho hadal (Oral society) Waxaa doodcilmiyeedka soo jeediyey Dr. Yuusuf Sheikh Omar, oo ah gudoomiyaha Talo Wadaag. Sidoo kale inta ay socotay doodcilmiyeedka waxaa fikrado kala duwan soo jeediyey xubnaha ka soo qeyb galay.