KALATIRSIGA SANANADKA SOMALIDA OO MANTAY LAGA XUSAY MAGALADA MUQDISHO

193

Kaltirsiga sannadka Soomaalida oo maanta laga xusay Magaalada Muqdisho….

Muqdisho luulyo 16 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Agaasime waaxeedyada iyo dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Kaltirsiga sannadka Soomaalida.

Prof Maxamed Cilmi Tooxow, Mudane Naasir Sheekh Maxamed iyo Aqoonyahan Maxamuud Cabdi Cusmaan ayaa waxa ay soo bandhigeen casharo ku saabsan maanta waxa ay kaga dhigan tahay iyo sida ay Soomaaliya u weyneyn jireyn dhaqanka iyo caadada ay leeyihiin.

Intaasi kadib waxaa la guda galay dood iyo su’aala weydiin ka qeyb galayaasha iyo martida Barnaamijka oo ay aad ugu riyaaqeeyn guud ahaan ka qeyb galayaasha.

Guddoomiye Ismaaciil oo munaasabadda soo xeray ayaa tilmaamay in ay mudnaan gaar ah ay siinayaan barnaamijyada nuucaan oo kale ah weliba loo sameyn doono maalmo u gaar ah oo lagaga sheekeeyo caada dhaqameedyada ay Soomaalida lahaan jirtay isaga oo tilmaamay in dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ay ka faa’ideysan doonaan.

DHAMMAAD                                                                                                          Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta