KULAN AY LAHAAYEEN GUDDIGA AF SOOMAALIGA EE AKADEMIYADA

224

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay lahaayeen Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Muqdisho Oktoobar 12 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa shir guddoomiyay kulan ay lahaayeen Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sidii sare loogu qaadi lahaa horumarinta Af Soomaaliga, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa sannadka 2025.

Guddoomiye Ismail Yusuf Osman ayaa tilmaamay in Guddiga Af Soomaaliga ay u taalo hawl adag oo la rabo in ay si hufan uga soo baxaan, isaga oo geesta kale carrabka ku adkeeyay in Ummadda Soomaliyeed ay isha ku hayaan hawlaha loo igmaday in ay qabtaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada ayaa la dardaarmay xubanaha Guddiga in ay ka mira dhaliyaan dadaaladooda ku aaddan wax ka qabashada iyo horumarinta Af Soomaaliga.

DHAMMAAD                                                                                                          Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada