Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Guddoomiyaha Akademiye-Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA, Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur ayaa maanta daahfuray heshiis wadashaqayneed oo ay labada akademiyadood isaga kaashan doonaan cilmiyaynta iyo casriyaynta ereybixinta af Soomaaliga.
Labada Guddoomiye oo dareensan ahmiyadda ay leedahay in la helo ereybixin cusub oo casri ah, isla mar ahaantaasna khusaysa laamaha kala duwan ee aqoonta ayaa magacaabay guddi iskudhaf ah oo ka kala socda labada akademiyadood; guddigaas oo ka shaqayn doona horumarinta iyo taabbagalinta ereybixinta af Soomaaliga.
Labada Guddoomiye ayaa ugu danbayntii kula dardaarmay xubnaha guddiga iskudhafka ah ee ereybixinta in ay sida ugu dhaqsaha badan uga hawlgalaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday, oo ay ugu horrayso midaynta, casriyaynta iyo cilmiyaynta ereybixinta af Soomaaliga.
Guddoomiye Ismaaciil oo soo xiray shirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay ereybixintu u leedahay horumarinta af Soomaaliga, isagoo sidoo kale bogaadiyay, ugana mahadnaqay Guddoomiye Cabdalla Cumar Mansuur, dadaallada joogtada ah ee uu ugu jiro cilmibaarista af Soomaaliga iyo horumarintiisa.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.