MIDOWGA JAAMACADAHA DALKA SOOMAALIYA AYAA BILAD SHARAFEED GUDDOONSIIYAY GUDOOMIYAHA AKADEEMIYADA

1396

Muqdisho 16-01-2024. Midowga Jaamacadaha Dalka Soomaaliya ayaa bilad sharafeed guddoonsiiyay Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ka dib xaflad caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ay ahayd mid lagu soo dhaweynayay Agaasimaha guud ee tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare mudane Maxamed Cabdullaahi sidoo kale loogaga mahad celinayay Guddoomiye Ismaaciil doorkii uu ku lahaa in xafiiska Agaasinka Tacliinta sare uu noqdo mid la tartama xafiisyada caalamiga ah.

Dhammaan mas’uuliyiintii munaasabadda ka soo qeyb galay waxay isla qireen in Mudane Ismaaciil uu mudan yahay in la guddoonsiiyo Biladdaasi.

-DHAMMAAD-

#xafiiskawarbaahintaeeakademiyada