KALA DUWANAANSHAHA DHAQANKA IYO SUUGAANTA SOOMAALIDA

3320

Professor Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ku soo bandhigay cashar ku saabsan kala duwanaanshaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Muqdisho Febraayo 26, 2024

Professor Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa soo jeediyey cashar ku saabsan kala duwanaanshaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Qeybaha kala duwan ee buslshada iyo ardayda jaamacadaha ayaa ka Soo qeyb galay casharkan.

Xoghayaha Guddiga Af Soomaaliga Mudane Maxamed Cabdulqaadir Daa’uud( Stanza) ayaa hadalka soo dhaweynta ah qaatay, isagoo xusay in xarunta Akademiyada had iyo jeer lagu soo dhaweynayo dadka aqoonta ehelka u ah si bulshada ay wax ugu faa’ideystaan.

Professor Maxamed Cumar Dalxa ayaa guda galay soo jeedinta casharka kala duwanaanshaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, wuxuuna ku dheeraaday dhaqanka dadka Soomaaliyeed iyo farqiga u dhaxeeya.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ee goob joogg u ahaa soojeedinta casharkan kala duwanaanshaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ayaawaxa ay su’aalo weydiiyeen Professor Maxamed Cumar (Dalxa), isaga dhankiisana mid mid ayuu uga jawaabay su’aalahii ay bulshada weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in dadka haldoorka ah iyo shaqsiyaadka lagu tuhmayo aqoonta iyo in ay dhaqanka iyo suugaanta ku xeeldheer yihiin la siiyo fursad ay ummadda wax ugu faa’ideeyaan.

DHAMMAAD                                                                                                            Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta