Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta waxaa hadda ka socda shirka Guddihoosaadka Qaamuusaynta ee Guddiga Af Soomaaliga kaas oo lagu soo bandhigay ereyo ka maqan qaamuusyada af Soomaaliga, kuwaas oo mudan in lagu biiriyo qaamuusyada af Soomaaliga.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa goobjoog ka ah shirkaas oo ay yeelanayeen Guddihoosaadka Qaamuusaynta ee Guddiga Af Soomaaliga.
=DHAMMAAD= Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.



















