Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ku qaabilay qoraa iyo qareen Sakariye Ismaaciil Nuur oo booqasho ku yimid Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Qoraa Sakariye ayaa dhawr nuqul oo buugaggiisa ka mid ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Akademiyada, si gaar ah buuggiisa cusub ee Qeydaddaar oo uu dhowaan ku soo bandhigi doono magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa qoraaga ka aqbalay, soo dhowayn diirran ka dib, ka qeybgalka bandhigga buuggiisa Qeydaddaar oo lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa qoraaga ku bogaadiyay sida uu isugu hawlay sara-u-qaadista wacyiga dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dhaxal-u-reebiddooda. Sidoo kale, Guddoomiye Ismaaciil oo dareensan ahmiyadda ay leedahay in da’yarta soo kacaysa wax loo dhiteeyo ayaa qoraaga ku dhiirrigaliyay labajibbaaridda dhaqanka akhrisqoraalka iyo dadaalka uu ugu jiro kobcinta garaadka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta