SAAMAYNTA BARAHA BULSHADU KU LEEYIHIIN HIDDAHA IYO DHAQANKA UMMADDA SOOMAALIYEED

102

XARUNTA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA OO LAGU QABTAY BARNAAMIJ KU SAABSAN SAAMAYNTA BARAHA BULSHADU KU LEEYIHIIN HIDDAHA IYO DHAQANKA UMMADDA SOOMAALIYEED

Muqdisho, 13 Jannaayo 2025;

Barnaamijkn oo ahaa mid waqti la geliyay ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, culimada Soomaaliyeed, bahda aqoonyahannada, xeeldheerayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay barnaamijkan, kaas oo loogaga hadlayay Saamaynta Baraha Bulshada ay ku Leeyihiin Hiddaha Iyo Dhaqanka Ummadda Soomaliyeed.

Ugu horrayn, Sheekh Cali-Wajiis Maxamuud Xasan oo hadal kooban madasha ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Akademiyada hadda ay waddo dadaallo horumarineed oo ku saabsan hiddaha, dhaqanka iyo af Soomaaliga, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay habboon tahay in mudnaanta koowaad la siiyo hawlaha ay waddo Akademiyada.

Waxaa kale oo barnaamijka qeyb ka ahaa fadhi doodwadaag ah oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed, waxaana kamid ahaa:

  1. Barafasoor Maxamed Cumar Dalxa
  2. Sheekh Cali-Wajiis Maxamuud Xasan
  3. Barafasoor Cabdishakuur Sheekh Xasan
  4. Agaasime Cumar Cabdullaahi Maxamed
  5. Sheekhad Faadumo Maxamed Cali
  6. Agaasime Ilhaan Aweys Axmed

Doodda ayaa waxaa qeybinayay Suldaan Cabdi Siyaad (Qabdiid) oo ah xubin ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Agaasimaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay Guddoomiye Ismail Yusuf Osman hawsha baaxadda leh ee uu ku hayo Akademiyada, isaga oo bogaadiyay dhammaan hawlwadeennada Akademiyada, waxa uu tilmaamay in uu talo ku soo jeedinayo in la badiyo shirarka loogaga hadlayo arrimahan oo kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Ibraahin-Nadaara Aadan Ibraahin ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in Wasaaraddu ay qaadan doonto doorkeeda ku aaddan in bulshada qaar laga wacyigaliyo dhaqamada silloon, isla markaasna waxa uu ku baaqay in baraha bulshada loo adeegsado dhanka wanaagsan.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Akademiyada mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo barnaamijka soo xiray ayaa waxa uu u mahadceliyay qeybaha kaladuwan ee bulshada ee soo ajiibay in ay barnaamijka ka soo qeyb galaan, waxa uu ballanqaaday in la joogtayn doono arrimaha ay u xilsaaran tahay Akademiyada in wax badan ay ka qabato.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.