SANATAR CISMAAN ABBOKOR DUBBE OO MAANTA SOO BOOQDAY AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA

2117

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa kala wareegay Sanatar Cismaan Abbokor Dubbe oo mar soo noqday Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, buug uu qoray oo la magacbaxay Mangalool.

Sanatar Cismaan Abbokor Dubbe oo ah qoraa iyo suugaanyahan waqti ku bixiya sidii uu u soo saari lahaa buug ay wax ka faa’iidaan ummadda Soomaaliyeed, ayaa waxa uu tilmaamay in Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta xilligan ay ka socoto shaqo mudan in lagu ammaano madaxda iyo hawlwadeennada Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Sanatar Cismaan Abbokor Dubbe doorkiisa ku aaddan garab-istaaggiisa bahda waxbarashada, isagoo ku kaalmeeya buugaagta uu qoray.

DHAMMAAD                                                                                                             Xafiiska Warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.