SHIR HAWLEEDKA GUDDIGA QABANQAABADA MUNAASABADDA XUSKA MAALINTA AFSOOMAALIGA

2271

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa shirguddoomiyey shir hawleedka Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Muqdisho Jannaayo 31,2024:

Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shirguddoominayey Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, waxaana looga hadlayey dardargelinta hawlaha hor yaalla Guddiga.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa warbixin ka dhageystay Guddi hoosaadyada qaar si uu ula socdo halka ay marayso hawsha baaxadda leh ee looga fadhiyo Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa la dardaarmay Guddiga, waxa uuna tilmaamay in ay hawshan masuuliyad culus iska saaraan.

DHAMMAAD                                                                                                              Xafiiska warbaahinta Akademiyada.