SHIR-HOWLEEDKA 1-AAD EE GUDDIGA 4-AAD EE AFSOOMAALIGA

866

Xarunta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta waxaa lagu qabtay Shirhowleedka 1-aad ee guddiga 4-aad ee af Soomaaliga shirka ayaa bilowday 9-kii bisha Oktoobar ilaa 12-ka isla bishan waxa uu socday mudo afar maalmood ah.

Shirka waxaa maalintiisa koowaad furay guddoomiyaha Akademiyada mudane Abdulkadir Nuur Xuseen (Maax) ahna gudoomiyaha Guddiga 4-aad ee af Soomaaliga

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa Guddiga ka hor akhriyay Gorfaha shirka oo uu ka mid ahaa diyaarinta qorshahowleedka Sanadka 2023 ee Guddiga.

Shirhowleedka 1-aad guddiga 4-aad ee af Soomaaliga kaas oo socday afar maalmood waxaa ka soo qayb galay xubnaha guddiga af Soomaaliga oo qaarkood ay ka yimaadeen maamul goboleedyda dalka iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheeq C/qaadir, Wasiirka  oo ggunaanadka shirka soo xiray, ayaa u mahadceliyey guddoomiyaha iyo shaqaalaha akademiyada hawsha ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirku waxa uu ayaandarro  ku tilmaamay sida burburka dalka soo gaaray uu u saameeyay Dhaqanka iyo Afka ummadda Soomaaliyeed.

 Wasiirka ayaa bogaadiyey qorshahowleedka  sanadka 2023 oo ay soo bandhigeen Guddiga af Soomaaligu, wasiirka ayaa soo jeediyey in ay Guddigu diyaariyaan buugaag ku qoran afka Soomaaliga oo ardayda jaamacadaha lagu baro  dhaqanka iyo afka, Wasiirka ayaa sido kale Guddiga af Soomaaliga ku dhiirigeliyey xal u helidda dhibaatada ka taagan baraha bulshada dhanka qoraalka farta Soomaaliga, sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliey  prof Cabdalla Cumar Mansuur oo shaqo badan ka qabtay luqada af Soomaaliga soona saaray buugaag badan.