ADEEGSIGA AFSOOMAALIGA EE AALADAHA CASRIGA AH

188

GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA AYAA MAANTA KA QEYBGALAY SHIR LAGU HORUMARINAYO ADEEGSIGA AF SOOMAALIGA EE AALADAHA CASRIGA AH

Muqdisho 2 jannaayo 2025;

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo maanta ka qeybgalay shir looga hadlayay sidii af Soomaaliga loo horumarin lahaa, loona bari lahaa aaladaha casriga ah, sida Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence — AI) ayaa sheegay sida Akademiyada uga go’an tahay horumarinta iyo casriyaynta af Soomaaliga.

Sidoo kale, Guddoomiye Ismaaciil ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda aaladaha casriga ah ay u leeyihiin u adeegsiga af Soomaaaliga, isaga oo intaas ku daray in Akademiyadu u heellan tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato arrintaas.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ugu danbayntii ballanqaaday in ay Akademiyadu soo dhowaynayso dadaallada lagu casriyaynaayo adeegsiga af Soomaaliga, isaga oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku booriyay, kuna bogaadiyay dadaallada isdabajoogga ah iyo danaynta faraha badan ee ay galinayaan sidii ay isugu xiri lahaayeen aaladaha casriga ah iyo afkooda hooyo ee hodanka ah.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta