Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo magaalada Nayroobi uga qeyb galay Shirka looga hadlayay Nabadda Geeska Afrika.
Nayroobi August 21,2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa magaalada Nayroobi uga qeyb galay shir looga hadlayay Nabadda Geeska Afrika.
Shirkan oo laba maalin ka socday Magaalada Nayroobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Bariga Afrika oo kaashanayay Jaamacadda Nayroobi.
Mas’uuliyiin kala duwan oo xilal soo qabtay iyo marti kale oo ajaaniib ah ayaa lagu casuumay shirkan oo looga hadlayay Nabadda iyo dawladnimada muhiimadda ay leeyihiin.
Shirkan ayaa noqonaya shirkii ugu horreeyay ee Nabadda looga hadlayay oo lagu qabto magaalada Nayroobi.
DHAMMAAD Waaxda warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada