Shirka Dibuhabeynta Guddi Hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta, ayaa lagu qabtay xarunta Akademiyada.
Muqdisho Febraayo 11 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa ka qeyb galay Shirka Dibuhabeynta Guddi hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Shirkan ayaa ahaa mid daba socday shirar dhawr ah oo lagu qabtay xarunta Akademiyada, isla markaana diirradda lagu saaray sidii dibuhabeyn loogu sameyn lahaa Guddi Hoosaadyada Guddig Af Soomaaliga.
Waxaa lagu guuleystay in la sameeyo ilaa shan guddi hoosaad, waxayna kala yihiin:
- Guddi Hoosaadka Qaamuuseynta.
- Guddi Hoosaadka Ereybixinta iyo Turjumaadda.
3 Guddi Hoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Af Soomaaliga.
- Guddi Hoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka
- Guddi Hoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta Afguriyada.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo isagu wada daddaallo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa shaqada ka socota Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ku boorriyey Guddiga Af Soomaaliga in uu sameeyo qorsho hawleed Guddi hoosaad walba shaqadiisa lagula xisaabtami doono.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa tilmaamay in Guddiga Af Soomaaliga ay sugayaan Ummad dhan oo rabta in Afkooda la ilaaliyo.
DHAMAAD Xafiiska Warbaahinta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.