SHIRKA DIBUHABEYNTA GUDDI HOOSAADYADA GUDDIGA AFSOOMAALIGA

1179

Shirka Dibuhabeynta Guddi Hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo suugaanta, ayaa lagu qabtay xarunta Akademiyada.

Muqdisho Febraayo 6 2024:

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa ka qeyb galay Shirka Dibuhabeynta Guddi hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta.

Shirkan ayaa ahaa mid daba socday shirkii 28-kii iyo 29-kii bishii hore lagu qabtay xarunta Akademiyada, isla markaana diirradda lagu saaray sidii dibuhabeyn loogu sameyn lahaa Guddi Hoosaadyada Guddig Af Soomaaliga.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo isagu wada dadaallo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa shaqada ka socota Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ku boorriyay Guddiga Af Soomaaliga in uu sameeyo qorsho hawleed Guddi hoosaad walba shaqadiisa lagula xisaabtami doono.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa tilmaamay in Guddiga Af Soomaaliga ay sugayaan Ummad dhan oo rabta in Afkooda in la ilaaliyo.

-DHAMAAD-                                                                                                             Xafiiska Warbaahinta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.