SOOJEEDIN XILDHIBAAN DR CILMI MAXAMUUD NUUR

114

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta cashar ku saabsan Tolnimo Soomaaliyeed iyo Tusmo Dawladnimo ku soo bandhigay.

Muqdisho Luulyo. 30 2024;                                                                                  Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo jeediyey cashar ku saabsan Tolnimo Soomaaliyeed iyo Tusmo Dawladnimo. Qeybaha kala duwan ee buslshada Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda ayaa ka Soo qeyb galay casharkan.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu tilmaamay in maanta bulshada ay uga dhigan tahay maalin qiima badan ugu fadhida, waxa uuna carrabka ku adkeeyey in Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ay waddo hawlo muhiim ah, islamarkaana la soo dhaweynayo qof kasta oo haya soo jeedin bulshada wax tar u leh.

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa waxa uu tilmaamay in Akademiyada ay ku mahadsan tahay doorka ay siisay waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu sii laba jibbaari doono Soo jeedinada nuucaan oo kale. Xildhibaan Mad keeroow, Senetor Ibraahim Aw gaab, iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha xildhibaan Aadan Maxamed Cali ayaa waxa ay u mahad celiyeen Madaxda Iyo hawlwadeenada Akademiyada sida ay isugu xilqaameen barnaamijkan iyo barnaamijyada lamidka ah Kuma dhiirregeliyay in aysan ka jiifan hawlaha nuucaan oo kale ah oo ay ka faa’ideysanayaan Bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                          Waaxda warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta