SUUGAANTA SOOMAALIDA (AXMED FAARAX CALI)

2527

Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta cashar ku saabsan suugaanta Soomaalida iyo taariikhda far Soomaalida ku soo bandhigay.

Muqdisho Febraayo 14,2024:                                                                            Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ah suugaanyahan dhaqanka ku xeeldheer ayaa soo jeediyey cashar ku saabsan suugaanta Soomaalida iyo taariikhda qoraalka farta af Soomaaliga.

Qeybaha kala duwan ee buslshada iyo ardayda jaamacadaha ayaa ka Soo qeyb galay casharkan. Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur ayaa waxa uu tilmaamay in maanta bulshada ay uga dhigan tahay maalin qiima badan ugu fadhida, waxa uuna carrabka ku adkeeyey in Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ay waddo hawlo muhiim ah, loona baahan yahay in looga mahadceliyo, laguna ammaano hawsha adag ay ummadda u hayso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in dadka haldoorka ah sida Idaajaa iyo shaqsiyaadka lagu tuhmayo in ay dhaqanka iyo suugaanta ku xeeldheer yihiin la siiyo fursad ay ummadda wax ugu faa’ideeyaan.

DHAMMAAD                                                                                                            Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta