TABABAR LOO QABTAY SHAQAALAHA AKADEMIYADA.

2174

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay tababar loo qabtay Shaqaalaha Akademiyada.

Muqdisho Oktoobar 05, 2024;

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Faysal Axmed Cabdulle ayaa tababar u qabtay guud ahaan shaqaalaha Akademiyada, tababarka ayaa ku saabsanaa sidii loo isticmaali lahaa *User Name iyo Password* loogu talogalay in ay isticmaalaan dhammaan Shaqaalaha Dowladda.

Furitaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Akademiyada, Agaasime Faysal ayaa sharraxaad ka bixiyay Tababarka iyo waxa uu ku saabsanaa, isaga oo tilmaamay in shaqaalaha Akademiyada laga rabo in ay raacaan sharciga iyo xeernidaamyada u dagsan Shaqaalaha Rayidka ee dawladda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahadceliyay agaasime Faysal Axmed Cabdulle isaga oo la dardaarmay guud ahaan shaqaalaha Akademiyada in ay fuliyaan tababarka ay qaateen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

DHAMMAAD                                                                                                               Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.