TABABARKA DIYAARINTA HESHIISKA CAALAMIGA AH EE UNESCO EE HIDDO – DHAQAMEEDKA DAAHSOON

2073

Tababar ku saabsan diyaarinta warbixin sanadeedka Heshiiska Caalamiga ah ee UNESCO ee Hiddo Dhaqameedka Daahsoon oo socon doono muddo laba maalmood ah, ayaa Laga daahfuray xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Muqdisho Febraayo 12,2024:

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa daahfuray tababarka diyaarinta warbixin sanadeedka Heshiiska Caalamiga ah ee UNESCO oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Haayadda UNESCO.

Tababarkan ayaa socon doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana laga codsaday kaqeybgalayaasha tababarkan in ay si wacan uga faa’iideystaan tababarkan.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in qof walba uu ilaashado dhaqankiisa; dadka waaya-aragga ahna Laga faa’ideysto.

Khabiirro ku xeeldbeer arrimaha dhaqanka ayaa goobjoog ka ahaa tababarkan maanta laga daahfuray xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

DHAMMAAD                                                                                                            Xafiiska warbaahinta Akademiyada