Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta Soo Xiray Tababarka Diyaarinta Warbixin Sanadeedka Hishiiska Caalamiga ah ee UNESCO.
Muqdisho Febraayo 13, 2024.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa Soo xiray Tababarka Diyaarinta Warbixin Sanadeedka Hishiiska Caalamiga ah ee UNESCO oo muddo labo maalmood ka socday Xarunta Akademiyada.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa uga mahadceliyay kaqeybgalayaasha tababarkan oo waqti soo galiyey sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen tababarkan, isaga oo tilmaamay in Akademiyada albaabkeeda uu qof walba oo aqoon leh u furan yahay maaddaama ay tahay hay’ad ku suntan aqoon iyo Cilmibaaris.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta