Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa kormeer ku tagay hoolka Cali Sugulle halkaas oo ay ka socotay tababar la siinayay gabadhaha ka hawlgala Akaddeemiyada.
Muqdisho Oktoobar 14 2024; Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay tababar la siinayay gabdhaha Akademiyada.
Guddoomiye ismaaciil ayaa tilmaamay in Akademiyada ay had iyo jeer ku hawlan tahay sare u qaadista aqoonta gabadhaha ka hawlgala Akaddeemiyada islamaarkaana ay xoogga saareyso in ay soo saarto aqoonyahanno bulshada anfici kara. Muddo bil ka hor ayuu billowday tababarka la siinayo gabadhaha ka hawlgala Akaddeemiyada, iyadoona waxyaabaha la barayo ay ugu muhiimsan tahay isticmaalka aaladda Computerka iyo Tiknoolojiyadda.
Tan iyo markii uu xilka Akademiyada la wareegay Guddoomiye ismaaciil, Akademiyada waxaa ka muuqda isbadallo muuqda oo ku aaddan in ay Guddoomiyaha Akademiyada uu doonayo in halwadeensda Akademiyada ay ka dhisnaadaan dhinac weliba.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada ayaa u mahadceliyay macalimiinta isaga oo dhinaca kale ku booriyay gabdhaha iyo guud ahaan hawlwadeenada Akademiyada in ay ka faa’ideystaan casharada ay qaadanayaan.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.