Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17/06/2023. Waxaa u bilowday qaar ka mid ah Shaqaalaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Tababar ku saabsan Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga.
Tababarkan waxaa bixinayo Xubno ka tirsan guddiga Afka Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Tababarkan waxa uu socon doonaa muddo 5 maalmood.