TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (WASAARADDA ARRIMAHA DIBEDDA)

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/05/ 2023. Ka furmay Wasaaradda Arrimaha dibedda, Mac-hadkeeda Diblomaasiyadda Tababarka Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga wejigiisii labaad. Kaas oo ay bixin doonaan Xubno ka tirsan guddiga Afka Soomaaliga. Tababarkan waxa uu socon doonaa muddo 5 beri ah. Waxaa Xusid Mudan in Tababarkan Wejigiisa koowaad ay horey u qaateen qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibbedda. Tababarka waxaa daah furay gudoomiyaha akadeemiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta: mudane Cabdikhaadir Nuur Xuseen (Maax)